Kulan Balaadhan Oo Dhex Maray Jaalliyada Somaliland Ee Seattle Iyo Hogaanka Ururka Wadajir
Seattle-Waxa maanta magaalada Seattle ee gobolka Washington ka dhacay kulan balaadhan oo aad iyo aad loo soo agaasimay oo dhexmaray Hogaanka Urur Siyaasadeedka Wadajir Mudane Adan Axmed Cilmi (Dhoolayare) iyo bulsho-weynta reer Somaliland ee ku dhaqan gobolka Washington iyo gobollada ku dhaw-dhaw.
Kulankan oo gallabta ka bilaabmay Xarunta Jaalliyada Somaliland ee magaalada Seattle saacadu markay ahayd 5:30 Shantii Iyo Badhkii Gallabnimo ayaa wuxuu ku bilaabmay jawi xiiso badan oo marti sharaftii ka soo qayb gashay ay aad iyo aad udanaynayeen inay dhagaystaan dhambaalka uu Gudoomiyuhu doonayo inuu usoo gud-biyo , waxaana Gudoomiyaha lagu soo dhaweeyay Sacab Iyo Mushxarad tan iyo intii ay ka fadhiisanayeen isaga iyo xubnahii lasocday, kadibna waxa dadweynihii lahadlay Mudane Maxamed-Naasir Maxamuud Dhoore oo isagu si habsami leh uxidhidhinayay habsami usocodka habka maamulka ee madasha shirku ka socday.
waxaanu Qaraanku kusoo dhaweeyay Microphonekii Sheekh Xusseen Axmed Guun oo isagu Aayadaha Quraanka Kariimka ah ku furay bilawgii shirka.
kadiba waxa isaguna halkaas kalmado soo dhaweyn iyo dhiirigalin ah ka jeediyay Odayga weyn ee Reer Seattle Mudane Maxamed Bade isagoo si guudna ukormaray taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Gudoomiyaha intii uu Wasiirka ahaa.
Intaas kadib waxa Mikirifoonkii, Sacab iyo Mushxarad isbarkan lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay Mahadnaq balaadhan oo uu ujeediyay Bulsho-weynta reer Somaliland rag iyo dumarba oo si weyn oon kala hadh lahayn usoo wada dhaweeyay.
Markii uu gudoomiyuhu dhameeyay khud-badiisii ayaa halkaas waxa ka bilaabmay su’aalihii ay weydiinayeen dadweynihii kasoo gayb-gallay madasha shirka, isagoo gudoomiyuhuna si mugle uga wada jawaabay dhamaan su’aalihii dadweynuhu weydiiyeen.
Ugu dambeyntii waxa isaguna kalmado kooban halkaas ka jeediyay Oday Maxamed Isaaq Binu Axmed Alsaylici oo isaguna ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka reer Seattle oo aad iyo aad ugu dheeraaday isku duubnida shacabka. Xusayna in magaca ururku uu huwan yahay Wadajirka Shacabka Reer Somaliland.
Guntii iyo gabo-gabadii waxa tix-bay ah oo dadku aad ujeclaysteen halkaas ka jeediyay Abwaanka Weyn ee Reer Somaliland Cabdi Gaas.
Khadar Ismaaciil Cilmi.
Seattle Washington.