|

Iran oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay diyaarad laga leeyahay Maraykanka

Tehran  Dec 05, 2011(qurbejoog.com) Dowladda Iran ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay diyaarad laga leeyahay dalka Maraykanka oo dul heehaabaysay hawada dalkaasi. 

Saraakiisha dowladda Iran ayaa waxa ay sheegeen in kadib baaritaano ay ku sameeyeen diyaarad nuuca aan cidna wadin ee Dronka ah oo maalinti shalay ay ciidamada cirka ee dalkaasi ay soo rideen ay ku ogaadeen in laga leeyahay dalka Mareykanka. 

Taliyaha ciidamada militariga ee dalka Iran ayaa waxa uu sheegey in diyaaraddaasi xiliga ay gacanta ku dhigayeen ay dul mareysay Hawada dalka iran. 

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay wado daandaansi waxaana uu sheegay in arintaasi ay ka dhalankarto cawaaqib xumo aad u weyn oo gobolka bariga dhexe saameysa. 

Wasiirka gaashandhiga ee dowladda Mareykanka liyon Banita ayaa waxa uu sheegay in diyaaradda dalka Iran ay si kam  ah u gashay balse aanan jirin dana siyaasadeed oo ay u gashay Iran. 

Dowladda Iran ayaa si wayn ugu soo horjeedda Siyaasadda Maraykanka, iyadoo aan la’ogayn halka ay ku dambeyn doonto arintaani.

 

Qurbejoog-Tehraan

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed