|

Dowladda Uganda oo tababar usoo gaba gabaysay Ciidamo kusoo foolleh Muqdisho

Kampala Dec 03,2011(qurbejoog.com)-  Dowladda Uganda ayaa waxa ay tababar usoo gaba gabeysay kumanaan Ciidan oo la doonayo in lagu badalo kuwa Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. 

Xero lagu magacaabo Singo oo lagu tababaro Ciidamada Milatariga ayaa waxa tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 2,369-askari oo la qoodeynayo in la keeno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya si ay qeyb ugu noqdaan howlgallada ka dhanka ah Shabaab. 

Ciidamada ayaa la sheegay inay u dhamaystiran yihiin agabkoodu Milatari islamarkaana ay kusoo fooleeyihiin Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Ururka Al Shabaab oo si wayn ugu soo horjeeda jiritaanka dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM oo ay ku tilmaameen inay kusoo duuleen dalka Soomaaliya. 

Col. Fred Rugadya Akiiki ayaa la sheegay in uu horkacayo Ciidamada tababarka loo soo gaba gabeeyay, waxaana la sheegay in Ciidamada tababar dheeri ah ay u qabaan dagaalada cul culus.

Dowladda Uganda ayaa Ciidamo badan usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah la dagaalanka Ururka Al Shabaab, waxaana xusid mudan in Saraakiisha dowladdaasi oo mar hore Warbaahinta hadal u siiyay ay sheegeen in loo baahanyahay in Ciidamo hor leh la keeno Soomaaliya si ay  ugu hortagaan Ururka Al Shabaab.

 

Qurbejoog-Kampala

contact@somalidiasporanews.com 

Comments are closed