|

Wasiirka Duulista iyo Agaasimihiisa Guud oo Wacdaro ka dhigay Ottawa

Ottawa Dec 03,2011(qurbejoog.com)-Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas Md Axmed Dalal Faarax oo booqasho shaqo u jooga dalkan Canada ayaa maanta la kulmay Jaaliyada Ottawa.

Kulanka maanta oo ahaa mid si weyn oo qiiro wadaniyad ku dheehnaa ayaa waxa la isugu soo duba riday loona diyaariyay nidaam heer sare ahaa.

Labadan Masuul oo ay weheliyeen masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal oo iminka Canada ku nool iyo Guddoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland Md Abshir Nuur.

Kulankii xalay waxa hadalo kookooban oo wacyigelin iyo hanuunin u badnaa ka jeediiyay dhawr ruux oo bulshada reer Ottawa laga soo dhex xulay.

Ugu Horeyntii waxa hadlay oo aayado Quraanka Kariimka ah halkaa ka jeediyay Sheekh Cabdirashiid.

Ka dib waxa hadalka la wareegay Wariye Cabdiqani Axmed oo ka waramay taariikhda Masuuliyiintii halkaa isugu timi,khaasatan taariikhda Wasiirka Duulista iyo hawada Md Maxamuud Xaashi.

Intaa ka dib waxa hadalo duur xul u badnaa halkaa ka jeediyay Xaaji Cumar oo ka waramay waxqabadka xukuumada Kulmiye,isla markaana dhaliilay xukuumadii hore.

Waxa intaa ka dib codbaahiyaha loogu yeedhay Dr Xirsi Cabdikariim Ciyoow oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Soomaaliya,balse saaxiib weyn oo Somaliland ah.

Dr Xirsi waxa uu sheegay in uu reer Somaliland qadiyadooda u taageero si walaalohood Konfurna ugu daydaan oo nidaam u sameysataan.

Dr Xirsi waxa uu ka codsaday dawlada Somaliland in ay fiiro gaar ah u lahaato siyaasada Soomaaliya oo xitaa ay faro geliso.

Marwo Shukri Maxamed Jaamac Bare oo u hadashay haweenka reer Somaliland ayaa halkaa ka hambalyeysay wefdi booqashada Ottawa ku yimi

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Md Xasan Daahir Xeyd ayaa isna halkaa hadal guubaabo iyo dardaaranba ka koobnaa ka jeediyay.

Guddoomiyuhu waxa uu ka waramay doorka gobolkiisu ku leeyahay horumarka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu u jawaabay dad uu sheegay in ay fidno dalka la dhex wareegayaan oo uu u digay.

Intaa ka dib waxa hadalkii lagu wareejiyay Agaasimaha guud ee wasaarada Duulista iyo hawada ee Somaliland Md Axmed Dalal Faarax oo si guud uga waramay waxqabadkii wasaarada khaasatan dhinaca maamulka.

Waxaanu ku dheeraaday ka hadalka geedisocodka koboca adeega wasaarada iyo tayeynta adeegyada ay bulshada u fuliso.

Wasiirka Duulista iyo Hawada ayaa kolkuu hadalka la wareegay si qoto dheer uga waramy waxyaabihii u suurto galay wasaarada iyo guud ahaa xukuumada sanadka jirtay ee Somaliland.

Wasiirku waxa uu  dadkii halkaa isugu yimi ka dherjiyay qorsheyaasha wax qabad ee ilaa iminka fulay iyo kuwa soo socda iyo weliba caqabadaha jira.

Wasiirku waxa uu si gaar ah diirada ugu saaray heshiis ay dhawaan saxeexeen oo khuseya Hawada Somaliland iyo maareynteeda.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday jewi farxadi ku dheehan tahay.

 

Qurbejoog-Ottawa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed