|

Ciidamada badda Ingiriiska oo gacanta ku dhigay burcad badeed Somali ah

Muqdisho Dec 02, 2011(qurbejoog.com)- Ciidamada badda ee dowladda Ingriiska ayaa gacanta ku digay rag ka tirsan burcad badeeda Soomaalida oo isku dayay inay afduubtaan Markab laga leeyahay dalka Spain oo marayay Badwaynta India.

Tirada kooxaha gacanta lagu dhigay ayaa waxa ay gaaraysaa ilaa 7-ruux oo isku dayay inay qafaashaan Markabka laga leeyahay dalka Spain, waxaana la tilmaamay in iminka lagu dul hayo Markab wayn oo ay leedahay dowladda Ingiriiska, su’aalona lagu waydiinayo Markabkaasi.

Maxkamad ku taala dalka Faransiiska aya waa ay xukuntay dhalinyaro ka tirsan Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo lagu eedeyay inay howlo afduub ah ka wadeen Xeebaha ka baxasan Soomaaliya, iyadoo taasi aysan suuro galin in burcad badeeda Soomaalida ay hakiyaan afduubka ay wadaan.

Burcad badeeda ayaa la xusuustaa inay gacanta ku hayaan dhowr Maraakiib iyo shaqaale ajinabi ah oo saaran kuwaasi oo ay ka doonayaan inay ka helaan lacago madax furasho ah, waxaana Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub iyana ay wadaan howlgallo ka dhanka ah burcad badeedaaasi.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed