|

Soomaali Qaxootiya oo dacwad ku soo oogay dawlada Malta, magdhawna ku guuleystay

Malta Dec 02,2011(qurbejoog.com)-Laba Nin oo Soomaali ah oo qaxootinimo ku jooga ayaa dacwad ku oogay dawlada dalkaas ka dib kolkii ay dhawr sano ka hor halkaa ka mustaafuriyeen ciidamda amniga ee Malta.

Labadan Nin oo la kala yidhaa Cabdulxakiim Xasan Cabdulle iyo Qasim Ibraahim Nuur ayaa dalkaas tegay sanadii 2004tii ka dib kolkii ay ka tegeedalka Libya.

Labadan nin waxa ay dacwadooda ku oogeen heyadaha socdaalka iyo soogelootiga oo Libiya ku celiyay halkaa oo ay ku xidhnaayeen mudo sanad ah,isla markaana lagu jir dilay.

Dacwada ragan ayaa ku saleysneyd in aan fursad loo siin in ay magangelyo weydiistaan Malta isla markana lagu celiyay Libiya oo caan ku ah jir-dilka.

Labadan nin ayaa ku guleeystay magdhaw gaadhaya €10,000 ka dib kolkii ay sidaa xukuntay maxkamadi.

Ragan ayaa iminka qaxootinimo ku jooga dalka Malta oo si weyn dacwadan looga hadal hayo.

Qareenka labadan nin ayaa sheegay in guushani ay tahay mid u soo hoyatay dhamaan dadka soogelootiga ah oo caqabado fara badan kala kulma dalka Malta.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed