Burcad badeeda Somalida uu sii daayay Markab laga leeyahay Singapore
Nairobi Dec 01, 2011(qurbejoog.com) – Burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay inay sii daayeen Markab in muddo ah ay gacanta ku hayeen.
Markabkaani ay sii daayeen burcad badeeda ayaa waxaa laga leeyahay dalka Singapore kaasi oo ay la socdeen 21-shaqaale, waxaan burcad badeeda ay gacanta ku hayaan muddo dhan 7-bilood oo ay ku sugayeen inay ka haleen lacago Madax furasho ah.
Markabka ayaa waxaa uu siday 280,000 oo saliidda qumbaha ah, waxaana kooxaha burcad badeeda ay gacanta ku dhigeen xilli uu marayay Xeebaha dalka Kenya, inkastoo wali aan si dhab ah loo cadeyn lacagaha ay qaateen kooxahaasi.
Shaqaalaha saaran Markabka ayaa wxa ay u kala dhasheen dalalka China, Indonesia iyo Koofur Kuuriya, waxaana Kooxaha la cadeeyay in maxaabiis ahaan ay u ceshteen ilaa 4-ruux oo u dhalatay dalka Koofur Kuuriya kuwaasi oo ilaa iyo iminka aan la’ogayn halka ay ku dambeyso xaaladoodu.
Maraakiib farabadan oo ka socda wadamada Yurub ayaa ku sugan Xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo loogu talagalay inay ka hortagaan afduubka ay wadaan burcad badeeda, hase ahaatee Maraakiibtaasi ayaa mooddaa inay ku guuldareysteen wax ka qabashada falal dambiyeedyada ay gaystaan kooxahaasi.
Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com