Maamulka gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay dad looga shakisanyahay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
Muqdisho Dec 01,2011(qurbejoog.com)- Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag badan oo looga shakisanyahay inay ka dambeeyaan qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku xiggenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Banaadir Warsame Max’ed Axmed Joodax oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano ay ka sameeyeen nawaaxiga goobihii uu qaraxa ka dhacay ee Muqdisho ay gacanta ku dhigeen rag badan oo looga shakisanyahay inay ka dambeeyaan Xarakada Al Shabaab.
Warsame Max’ed Joodax ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in dadkaasi gabi ahaantoodu aysan ahaan karin Ururka Al Shabaab, hase ahaatee waxaa uu carabka ku dhuftay inay wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab oo uu tibaaxay inay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiye ku xigeenka dhinca ammaanka ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago weeraro ay Kooxda Al Shabaab mar kale ka gaystaan Magaalada Muqdisho.
laba qarax oo kala gadisan ayaa shalay waxaa ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah uu ahaa weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Ciidamada xooga dalka ee Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdiso halkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 4-askari halka 11-kalana ay ku dhaawacmeen.
Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com