|

Guddida Doorashooyinka oo la soo degay qabkii codbixinta

Muqdisho (QJ) – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka C/kariin Axmed Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay heleen dhammaan agabkii looga baahnaa doorashada soo socota.

Cabdikariim waxa uu xusay in doorashada heer degmo la qaban doono dhamaadka bisha June, isla markaana diwaan gelinta codbixiyeyaashu ay si degdeg ah u bilaabmi doonto muwaadiniinta buuxiya shuruudaha codbixinta, sida uu tilmaamay.

“Dhammaan qalabkii doorashada waa nala guddoomay, bisha soo socotana waxa bilaabmaya diwaangelintii codbixiyayaasha, waxaana la bilaabayaa doorashada golaha deegaanka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdikariim Axmed Xasan.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo cod ah si looga gudbo nidaamka doorasho ee ku saleysan qabiilka oo soo jiray tan iyo markii la dhisay lixdii dowladood ee KMG ahaa, laga soo bilaabo sanadkii 2000.

Leave a Reply