|

Gaalkacayo oo maanta degen ka dib dalgaal xalay dhacay

Gaalkacyo (QJ) – Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa saaka degan kadib markii xalay la xakameeyay xiisado colaadeed oo ka taagan xaafadaha Garsoor iyo Wadajir, taasi oo la xiriirta colaada ka taagan Galbeedka gobolka Mudug.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay inay dejiyaan xiisadaasi, kadib markii ay sameeyeen dadaalo wadajir ah. Ciidamada ammaanka ayaa la soo dhoobay inta u dhaxeysa labada xaafadood, si ay xaaladda u dejiyaan.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay bilaabatay kadib markii kooxo hubeysan oo ka soo jeeda Puntland ay rasaas ku soo rideen dhanka degmada Wadajir oo ka tirsan dhanka Galmudug, taasi oo ka dhalatay dagaal beeleed ku soo laalaabtay Galbeedka Mudug.

Xakamaynta xiisadan ayaa muujisay biseylka dadka degan labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida, iyo dadaallada iskaashiga ee labada maamul ee is-afgaradka.

Leave a Reply