|

Dawlada oo difaacday doorashooyin dalka ka dhacda

Muqdisho (QJ) – Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay go’aan muhiim ah oo la xiriira doorashada hal qof iyo hal cod ee ay waddo Villa Soomaaliya.

Xasan Macallin ayaa dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah qorshaha dowladda, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid hor istaagi karta hirgelinta doorashooyinkaas Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu ku dooday in fikirka hal qof iyo hal cod uu ku soo beegmay wakhtigeedii, isla markaana aanay jirin cid ama cudud awood u leh inay hakiso nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawi doorasho oo xor iyo xalaal ah iyo in la taageero dadaallada dowladda ee ku aadan in talada dalka dib loogu celiyo shacabka.

Hadalkaan ayaa daba socday hadal ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan sheegay in dalka uusan diyaar u aheyn doorasho hal qof iyo hal cod ah. Sidoo kale, Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn uga soo horjeestay qaabka ay Villa Somalia u wajaheyso Doorashada.

Leave a Reply