Madxweyne Deni oo la kulmay madaxdhaqameedka Warsangeli
Bosaaso (QJ) -Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire oo ay wehelinayeen guddigii shirka Ceelbuh uga socday beesha Warsangeli.
War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweyne Deni uu soo dhaweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire iyo wafdigii ka socday Shirka Warsangeli Ceelbuh. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Puntland ayaan faah faahin ka bixin waxyaabihii looga hadlay.
War-murtiyeed dhawaan ka soo baxay shirweynaha beesha Warsangeli ee Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa lagu shaaciyey in la baabi’iyey heshiis beeleed muddo dheer soo jiitamayay kaas oo lagu xaqiijinayey nabad ku wada-noolaanshaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Warsangeli oo ka koobnaa toddoba qodob ayaa si toos ah loogu sheegay in “Heshiiska Afar Beelood” ee ceerigaabo lagu maamuli jiray uu bur buray sababo la xiriira xadgudubyo ay ku eedeeyeen beesha Isaaq oo taageero ka helaysa Somaliland.
Beesha Warsangeli waxay kaloo go’aansatay inay si buuxda u difaacdo ceerigaabo, waxayna Somaliland ku eedaysay inay xoog ku qabsatay magaalada, kana barakicisay beelaha Harti, dhulkii iyo hantidii ay lahaydna la wareegtay.