Madaxweyne Deni oo cafiyay xubno lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen Daacish
Garoowe (QJ) – Ciidamada Puntland ayaa howlgal ballaaran ka bilaabay buuraha gobolka Bari, si ay uga saaraan dagaalyahanada Daacish. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo ku sugnaa gobolka oo abaabulka ololahan ayaa hormuud ka ah dadaalkan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu cafis u fidiyay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen Daacish, kuwaasi oo qaarkood ay ku xirnaayeen xabsiyada magaalada Boosaaso muddo dheer.
Cafiskan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday shaqsiyaadka kasoo jeeda gobolka Bari ee Puntland, kuwaasi oo loo xiray eedeymo la xiriira inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha Bari ama inay xiriir la leeyihiin xubno ka tirsan ururkaasi.
Madaxweyne Deni ayaa amray in la sii daayo maxaabiistan, maadaama la waayay caddeymo ku filan oo si toos ah u cadeynaya inay ka tirsan yihiin Daacish. Taa beddelkeeda, waxaa lagu eedeeyay inay ku lug yeesheen wax kala beddelasho ama inay ururro la leeyihiin kooxda.
Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in dhowr xubnood oo ka tirsan Daacish ay ka goosteen maalmihii la soo dhaafay, kuwaas oo intooda badan la sheegay in ay ahaayeen rag ka soo jeeda gobolka Bari.