Soomaaliya iyo QM oo kawada hadlay maareynta Abaaraha
Muqdisho (QJ) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha, qorshaha wax ka qabashada bini’aadantinimo ee 2025-ka, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha gargaarka iyo SDMA. Dhinacyadu waxay isla garteen in la qabto shirweyne guud oo wax looga qabanayo baahiyaha bulshada tabaalaysan, dhaqaalena loogu ururinayo dadka ay dhibaatadu saamaysay.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku booriyay dhinacyada ay khuseyso in ay xoojiyaan dadaallada lagu caawinayo dadka saboolka ah iyo horumarinta wadashaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha samafalka.