|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay cunaqabateynta Ganacsato Soomaaliyeed

MOGADISHU (QJ)- 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku diiday in Ganacsadaha Ajaanibta ah uu xaquuq gaar ah u yeesho dhoofka Xoolaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin, iyagoo sheegay inaan la aqbali karin in ganacsade ajnabi ah oo taariikh muran badan ka taagan yahay dalka uu ku xakameeyo dhoofka xoolaha. Waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xaquuq gaar ah u leeyahay dhoofka Xoolaha Ganacsade Ajnabi ah oo lagu magacaabo Abuu-Yaasir, kaasoo ku nool dalka Jabuuti, horayna u khiyaameeyay ganacsato badan oo Soomaaliyeed.

Xildhibaanada oo sii hadlay ayaa xusay in tani ay tahay markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo xoolihii dhoofka ahaa uu hal qof oo ajnabi ah uu si gaar ah u cunaqabateeyo, isla markaana cunaqabateyn lagu soo rogo ganacsatadii Soomaaliyeed ee dhaqan ahaan ka shaqeysan jiray.

Leave a Reply