|

Dawlada Soomaaliya oo dil ku eedeysay Axmed Madoobe

Muqdisho (QJ) – Wasaaradda amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xadgudubyada tirada badan ee eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu u geystay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada maamulka Jubaland.

Tacaddiyadiisa oo soo jiitamayay muddo dheer, ayaa waxaa ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday dadka deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose. Dadka deegaanka ayaa iskood isu abaabulay si ay isaga caabiyaan Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, nasiib darro, Axmed Madoobe ayaa taa beddelkeeda weerar ku qaaday iyaga oo geystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa daba socota falal kuwan la mid ah oo uu ka geystay magaalooyinka Kismaayo, Raas Kambooni, Dhoobley, iyo Afmadow.

Sidoo kale, Eedeysanaha Axmed Madoobe ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii uu kala qeybsanaan uga dhex abuuri lahaa dadka u diyaarsan inay Al-shabaab ka difaacaan Deegaannadooda, sida uu hadalka u dhigay Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii lagu dilay,ku dhaawacmay ama lagu qafaashay Madoobe ee ku sugan deegaano ka tirsan Jubbaland.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay cirib tirto dhaqamadaas, isla markaana sharciga la horkeeno dadkii ka dambeeyay falalkaas foosha xun” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Leave a Reply