Colaadii Xarfo oo la hakiyay
Xarfo (QJ) – Xabad joojin nabadeed ayaa laga gaaray colaadii dhawaan ka dhacday deegaanka Xarfo (Buuryaqab) ee waqooyiga Mudug, halkaasi oo ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda labo beelood.
Wafdi ka socday maamulka Puntland, guddiga dhexdhexaadinta beelaha, iyo odayaal ka kala socday labada dhinac ayaa ku guuleystay inay labada dhinac ku qanciyaan inay nabada qaataan.
Heshiiska xabbad joojinta ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo looga gol leeyahay xasilinta amniga iyo bilaabidda wadahadallo nabadeed.
Labada dhinac ayaa si rasmi ah ugu heshiiyay in la joojiyo dagaalka, isla markaana aysan dhicin weeraro kale. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in dhammaan maleeshiyo beeleedyadii ku sugnaa Xarfo la geeyo goobo cayiman oo aan wax hub ah la soo gelin gudaha magaalada, laguna dhex qaadan karin.
Waxaa la isku raacay in ciddii jabisa xabbad joojinta lagu ganaaxo lacag dhan $20,000, sidoo kalena ay mas’uul ka yihiin wixii khasaare ah ee ka dhasha.