|

Itoobiya iyo Somaliland oo amniga ka wada hadlay

Hargeysa (QJ) – Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Ambassador Teshome Shunde Xamito. Ugu horeyn Wasiirka ayaa Safiirka ku soo dhaweeyay kulan isbarasho ah.

Dhinaca kale Safiirka Itoobiya ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Amniga Gudaha sida wanaagsan ee uu u soo dhaweeyey. Waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka ee labada dal iyo guud ahaan ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen xoojinta wada shaqaynta dhinaca amniga ee ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka Itoobiya. Waxaa la isku raacay in si nabad ah lagu xaliyo dhacdadii dhawaan ka dhacday deegaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Leave a Reply