Masar oo xaqiijisay ka qeybgalka ciidamada Nabadeynta Afrika ee Soomaaliya
Qaahira (QM) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Dr. Badar Abdel Aty, oo shir jaraa’id qabtay kadib kulan uu la qaatay dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay go’aansatay ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya “AUSSOM”.
“Waxaan xaqiijineynaa mabda’a adag ee Masar ee ixtiraamaya madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri.
Xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa sare loo qaadi doonaa ilaa heerka iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinacyada sida dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, ciidamada, amniga, dhaqanka, iskaashiga waxbarashada.
Labada dal ayaa ku heshiiyey in ciidamada milateriga iyo booliiska Soomaaliya la siiyo agabka muhiimka ah si kor loogu qaado tayada agabka iyo hababka ay Masar ku xoojin karto ciidamada Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Badar Abdel-Aty ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay badda cas u leedahay dalalka xuduudka la leh, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in xisbi kale uu ka taliyo.
“Waxaan ku heshiinnay in Soomaaliya laga taageero dhinacyo kala duwan, Masarna ay ka qayb-qaadan doonto howlgallada lagu sugayo ammaanka ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka oo aan soo hadal qaadin heshiiskii ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku kala saxiixdeen Ankara.