Dawlada Soomaaliya oo baaq nabadeed ka soo saartay Colaada Ceerigaabo
Muqdisho (QJ) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed kasoo saartay colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay dhinacyada ku lugta leh colaada Ceerigaabo, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay dhinacyada isku haya magaalada Ceerigaabo in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda ka dhalatay khasaare naf iyo maalba leh, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
“Colaadda Ceerigaabo ee sababtay dhimashada, dhaawaca iyo barakaca baahsan waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa,” ayay dowladda federaalka Soomaaliya ku sheegtay racfaankooda.
Sidoo kale, xukuumaddu waxay ugu baaqday odayaasha dhaqanka iyo maamullada deegaanka inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa colaadda Ceerigaabo ka taagan, isla markaana ay ka qayb-qaataan soo celinta nabadda iyo wada-noolaanshaha magaalada.