Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu ansixiyay qaraar lagu kordhinayo cunaqabateynta ka dhan ah Al-Shabaab
NY (QJ) – Kulan ay Jimcihii yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu ansixiyay qaraar lagu kordhinayo cunaqabateynta ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa 28-ka bisha Febraayo ee sanadka 2025-ka.
Qaraarkan oo ay soo jeedisay Boqortooyada Ingiriisku, waxa si wada jir ah u ansixiyay 15-ka xubnood ee golahaas.
Xubnaha golaha ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay cunaqabateyntan ay tahay sidii looga hortagi lahaa hubka sharci darrada ah, in la mamnuuco dhoofinta dhuxusha ee dhaqaalaha siiya Al-Shabaab iyo joojinta waxyaabaha qarxa.
Cunaqabateyntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu ku eg-yahay bishan, waxaana howlgal cusub oo Masar ay ku lug leedahay uu billaaban doono bisha Janaayo ee sannadka 2025-ka.
Soomaaliya ayaa sanado badan soo wajahday caqabado dhanka ammaanka ah, iyadoo khatarta ugu badan ay ka imaaneysay Al-Shabaab iyo Daacish.
Tan iyo sannadkii 2007-dii, Al-shabaab ayaa dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo weli Al-shabaab ay ka taliso deegaanno badan.