boqolaal ka tirsan ciidamada XDS ayaa isku dhiibay ciidamada Kenya
NAIROBI (QJ)- Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay bogga X ee Waaxda La-dagaalanka Argagaxisada Kenya, boqolaal ka tirsan ciidamada XDS ayaa isku soo dhiibay ciidamada Kenya.
Askartan ayaa ka soo tallaabay xadka Ishakani, oo ah deegaan u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Askartan ayaa ka mid ahaa boqolaalkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya todobaadyadii la soo dhaafay geysay Raaskambooni. Jubbaland ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo diray magaalada Muqdisho.
Ilo madax banaan ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyay in ciidamada Jubbaland ay gabi ahaan la wareegeen deegaanka Raaskambooni.
Arrintan ayaa daba socota dagaallo dhowr ah oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ku dhexmaray agagaarka Raaskambooni, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac.
Inta badan ciidamadii dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa Raaskambooni ayaa la sheegay in ay u gudbeen dhanka Kenya, halka qaarkoodna ay u carareen deegaanada ku dhow dhow.
Warsaxaafadeed ay Jubbaland soo saartay ayay ku sheegtay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Raaskambooni ay dileen, dhaawaceen ama ay nolol ku qabteen.