Shir loooga hadlahayay Warbaahinta oo Muqdisho lagu soo xiray
Muqdisho (QJ) – Shir labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiradda lagu saarayay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay Istiraatiijiyad Warbaahineed iyo sidii loo mideyn lahaa fariimaha ka imaanaya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay shirka, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, maamulka G/Banaadir, warbaahinta, bulshada rayidka, iyo hay’adaha caalamiga ah.
Wasiir ku xigeenka ahna sii hayaha xilka wasiirka C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso mideynta fariimaha iyo hanuuninta shacabka Soomaaliyeed islamarkaana horumaro la taaban karo laga gaaray.
Shirkan ayaa looga hadlay saddex qodob oo waaweyn oo kala ah: Maareynta xiriirka casriga ah ee warbaahinta, hagaajinta iyo mideynta fariimaha hay’adaha dowladda, fududeynta helitaanka xogta warbaahinta iyo shacabka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, C/llaahi Xayir Ducaale, ayaa sheegay in shirkan uu fursad u siiyay dowladda, warbaahinta iyo shacabka inay ka wada hadlaan xoojinta wacyigelinta bulshada iyo kordhinta hufnaanta dowladda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah ee warbaahinta ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasiirka Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa xusay in ay ku guuleysteen in ay xiraan Baraha Bulshada ee Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, saaxiibada caalamka ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay hagaajinta iyo mideynta xiriirka warbaahinta iyo la-dagaalanka wararka been abuurka ah ee Al-shabaab ay ku marin habaabiyaan shacabka.