Jubaland oo beenisay in Itoobiya hub geysay Kismaayo
Kismaayo (QJ) – Jubaland ayaa ka jawaabtay eedeyntii uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ku saabsan in dowladda Itoobiya ay saanad ciidan iyo agab ciidan soo gaarsiisay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, si ay u taageerto Axmed Madoobe.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa ku gacan seyray hadalka ka soo yeeray Dowladda Somaliya, wuxuuna ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin. Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in diyaarado hub iyo saanad hub sida ay ka dageen magaalada Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay dowladda inay cadeymo u keento sheegashadooda.
“Dowladda eedeymahaas oo kale ma ahan in ay ku eegto baraha bulshada, haddii ay cadeymo hayaan waa in ay soo bandhigaan”ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya aysan howlgalo ka sameynin deegaanada Jubbaland oo kaliya balse ay sidoo kale ka wadaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.