Jubaland oo rasaas ku riday duyuurad siday ciidamo ka yimi Muqdisho
Kismaayo (QJ) – Jubbaland ayaa sheegtay in shalay gelinkii dambe ay soo rideen diyaarad ku sii jeeday deegaanka Raas-kambooni ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo ka soo duushay magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland diyaaradan ayaa sahay u rarneyd ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugan deegaanka Raas-kambooni, halkaasoo muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka socdeen.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaarada ay u soo degi weyday sidii loo qorsheeyay taasi bedelkeedana ay u duushay dhanka xadka Kenya, halkaasi oo ugu dambeyntii ay ku burburtay.
Jubbaland ayaa horay u mamnuucday in diyaaradaha ay si toos ah uga soo degaan Raaskambooni, taasoo sii xoojisay xiisadda kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa soo rogtay xayiraad iyada u gaar ah, iyadoo la joojiyay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray deegaanada maamulka Jubbaland.