Muuse Biixi oo mucaaridnimo ku sagootiyay Kulmiye
Hargeysa December 07, 2024(QJ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha hawlaha xisbiga ee hadda iyo mustaqbalkaba.
Madaxweynaha ayaa intii uu kulankaasi socday waxa uu si weyn ugu mahad-naqay Hoggaanka Xisbigu dedaalka iyo dedaalka badan ee ay muujiyeen muddadii ay dalka ku jireen doorashooyinkii adkaa ee ay ka mid ahaayeen doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Xisbiyada. Hoggaanka xisbiga, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi uga mahad-celiyey taageerada hagar la’aanta ah ee uu muddadan iyo hoggaamintaba la garab-taagan yahay, iyaga oo qiray inuu dhaxal-tooyo taariikheed oo mug-weyn leh u hayo, maadaama oo uu gabo-gabo ku dhow yahay.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hoggaanka sare ee Kulmiye oo hadda mucaarid noqon doona kula taliyey inay u dulqaataan oo ay xukuumadda imanaysa u ogolaato inay xilka qabato. Waxa uu ku dhiirigaliyay in ay hubiyaan in mucaaradkoodu uu noqdo mid wax dhisaya, si waafaqsan sumcaddii ay hore ugu lahaayeen wax-qabad wanaagsan.
Hoggaanka xisbiga Kulmiye waxa kale oo ay madaxweyne Muuse Biixi ku bogaadiyeen taageerada joogtada ah ee uu u fidiyey xisbiga intii uu hoggaanka u hayey, madaxweyne iyo murrashaxba. Waxaanay si weyn ugu mahad naqeen taageerayaasha xisbiga.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wakiilada iyo golaha wasiirada ee xisbiga Kulmiye, ayaa la isku dhaafsaday fikrado la xidhiidha dib u habeynta xisbiga iyo xoojinta mawqifkiisa mustaqbalka.