Shabaab lagu duqeeyay Degmeda Balcad
Muqdisho November 28, 2024(QJ) – Duqeymo culus ayaa lala beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana deegaankaasi ka socda dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin duqeyntan iyo khasaaraha ka dhashay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.