|

Soomaaliya oo sexeexday heshiiskii MAKA ka dhanka ah Musuqa

Doha November 28, 2024 (QJ) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar ku saxiixay heshiiska MAKA ee la dagaalanka musuq maasuqa, isaga iyo wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Heshiiskan muhiimka ah ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta isla xisaabtanka, daah-furnaanta, iyo maamul wanaaga.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in heshiiskan uu muujinayo sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo horumarinta cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha dowladda.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay saxiixday heshiiskan, ayaa haddana dalka waxaa hareeyay musuq-maasuq iyo cadaalad darro, taasoo keentay dib u dhac dhinacyo badan leh.

Leave a Reply