|

Xukuumada Soomalaiya oo dacwad ku soo oogeysa Axmed Madoobe

Muqdisho November 26, 2024 (QJ) – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar saddexaad loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo shir guddoominayay kulanka ayaa ku dhawaaqay go’aamo deg deg ah oo ku saabsan doorashada Jubaland.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale go’aamiyay in xubnaha la soo xulay ee golaha wakiilada Jubaland iyo dib u doorashada madaxii hore ee Jubaland ay labaduba sharci darro yihiin.

Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in dhammaan tillaabooyinka lagu qaaday hanaanka doorashada sharci darrada ah ee dowlad goboleedka Jubaland aysan waafaqsaneyn sharciga 24, ee soo baxay 31-kii March, 2024:

Magacaabistii guddiga doorashada ee aan sharciga ahayn ee uu magacaabay hogaamiyihii hore ee Jubaland.
Doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka ee uu ku doortay hoggaamiyihii hore ee Jubaland oo si aan sharci ahayn loo doortay.
Is-doorashadii hoggaamiyihii hore ee Jubaland.
Golaha Wasiirada ayaa ku amray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in si deg deg ah uu uga shaqeeyo sidii maxkamada sare ee dalka loogu horgeyn lahaa dacwad ka dhan ah fal kasta oo aan waafaqsaneyn xeer hoosaadka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka, sharciga ururada iyo Xisbiyo siyaasadeed, oo uu sameeyay hoggaamiyihii hore ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Leave a Reply