|

Wasiir Fiqi: Ma Necbi Reer Somaliland

Muqdisho November 25, 2024(QJ) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Somaliland C/raxmaan Cirro uu yahay shaqsi ay ku weyn tahay Soomaalinimada, taasi oo rajo gelineysa mustaqbalka wada hadalada labada dhinac.

Fiqi ayaa kula dar daarmay madaxda Somaliland inay kaalin mug leh ka qaataan isu soo dhawaynta shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in si wada jir ah looga shaqeeyo sidii loo xalin lahaa arrimaha sababay in la kala fogeeyo labada dhinac.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in uu si weyn uga soo horjeestay siyaasadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, taasoo caqabad ku ahayd wada shaqayntii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Fiqi ayaa rajo ka muujiyay in isbedelka cusub uu horseedi karo wada xaajood miro dhal ah.

Sidoo kale, Fiqi ayaa si adag u beeniyey inuu dadka Somaliland cadow u arko. Waxa uu tilmaamay in ay jiraan siyaasiyiin ku howlan sidii ay u kala qeybsanaan lahaayeen labada dhinac, taasi oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo dadaallada nabadeed ee socda.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku baaqay in laga digtoonaado wararka been abuurka ah ee wax u dhimaya rajada laga qabo in la wada hadlo.

Leave a Reply