Axmed Madoobe oo sheegay in uu Mqdisho la shaqeyn doono hadii dib oo doorto
Kismaayo November 24, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khudbad ka jeedinayay khudbadiisa musharaxnimo ee doorashada lagu muransan yahay ee la filayo in beri ka dhacdo magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu qorsheynayo soo celinta wada shaqeyntii Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaa jiray qodobbo aan isku heyno, balse haddii aad ii doorataan madaxweyne, aniga oo ay wehliyaan guddoomiyaha iyo baarlamaanka, waxaan diyaar u ahay in aan isku dayo in aan la shaqeeyo dowladda Federaalka oo aan dib ugu soo laabto miiska wada hadalka” ayuu yiri Axmed Madoobe.
10-kii Bishan ayay aheyd markii Maamulka Jubbaland ay sheegeen in ay xiriirka u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.