|

Turkiga oo hambalyeeyay Madaxweynaha La Doortay Cabdiraxmaan Cirro

ANKARA November 23, 2024(QJ) Dawladda Turkiga ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isagoo rajo ka muujiyay in dib loo bilaabo wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn loogu hambalyeeyay doorashadii ka dhacday Somaliland, iyadoo xustay inay muujinayso sida ay shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay hirgelinta dimuqraadiyadda.

“Waxaan si diiran ugu hambalyeyneynaa Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro guusha uu ka soo hooyay doorashadii ka dhacday Somaliland, sida nabdoon ee ay doorashadu u dhacday waxay muujinaysaa sida ay shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay hirgelinta mabaadi’da dimuqraadiga ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Turkiga ayaa rajo ka muujiyay in madaxweynaha cusub uu dib u soo nooleeyo wada hadalka, kana shaqeeyo midnimada. “Waxaan rajaynaynaa in intii uu hogaanka u haayo, in la wanaajiyo wada-hadallada, midnimada, iyo guud ahaan horumarka gobolka.

Wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa horraantii sannadkan hakad ku yimid kaddib markii maamulka xilka kasii dagaya ee Madaxweyne Biixi uu heshiis dhinaca badda ah la galay Itoobiya.

Labada dhinac ayaa markii dambe sii kala fogaaday, iyadoo Soomaaliya ay heshiiskaas ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda. Dhinaca kale, Somaliland ayaa ku andacootay in wada-hadalladaas ay ka soo baxeen faa’iido yar, isla markaana ay sii socdaan ay tahay waqti lumis.

Leave a Reply