Denmark oo sheegaty in ay taageersantahay midnimada Soomaaliya
Muqdisho November 20, 2024(QJ) Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen, ayaa bartiisa X/Twitter ku soo bandhigtay kulan uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallim Fiqi. Dooddu waxay ku saabsanayd in la caddeeyo hadalladii ka soo baxay doorashooyinka Somaliland, midnimada Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.
Danjire Andersen waxa uu kulankaas ku tilmaamay mid miro dhal ah, isagoo ka hadlay arrimo muhiim ah oo uu hore uga hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland oo uu ku tilmaamay mid aan ku talo-gal ahayn.
“Shalay waxaan wada hadal wax ku ool ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallim Fiqi, si aan u caddeeyo hadalada la xidhiidha doorashooyinka Somaliland, isla markaana wax lagaga qabto tabashooyinka ka dhashay hadallo aan ku talo-gal ahayn,” ayuu yidhi Safiirku.
Waxa uu ku celceliyay in Denmark ay taageerto midnimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.
“Denmark waxay sii wadaa inay ixtiraamto midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Somaliland ay qayb ka tahay midawgaas,” ayuu raaciyay.
Danjire Andersen ayaa ku nuux-nuux saday saaxiibtinimada xooggan ee ka dhexeeya Denmark iyo Soomaaliya, isagoo muujiyay mudnaanta la wadaago sida dowlad-dhisidda, isbeddelka cimilada, iyo xaqiijinta nabadda iyo amniga.
“Denmark iyo Soomaaliya waxay sii ahaanayaan saaxiibo dhow iyo saaxiibo, iyagoo wadaaga mudnaanta muhiimka ah ee dhismaha dowladnimada, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, iyo horumarinta nabadda iyo amniga,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Hadalka safiirka ayaa daba socday martiqaad uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u fidiyay si uu u caddeeyo hadallo hore oo uu ku sheegay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Tallaabadan ayaa si wanaagsan loo arkay iyadoo muujineysa sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.