|

Mareykanka iyo UK oo ka wadahadlay aqoonsiga Somaliland

London November 20, 2024(QJ) Sir Gavin Williamson, xoghayihii hore ee gaashaandhigga UK, ayaa sheegay in Donald Trump uu dhawaan la yeeshay kooxdiisa wadahadallo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, tallaabadaas oo noqon doonta tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah, sida uu qoray The Independent.

Sir Gavin ayaa kalsooni ka muujiyay in Trump uu qaadi doono tallaabadan marka uu xafiiska la wareego bisha Janaayo.

Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda Juquraafiga ah ee Somaliland, gaar ahaan dhinaca badda cas.

Xoghayihii hore ee gaashaandhiga UK oo hormuud ka ahaa u ololaynta aqoonsiga Somaliland, waxa uu hormuud ka ahaa olole balaadhan oo lagu taageerayo madax-banaanideeda. Somaliland oo ah gobol uu hore u gumaysan jiray Ingiriiska, ayaa in ka badan 30 sannadood ku hawlanaa u ololaynta inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Somaliland ay dhawaan ka dhacday doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo uu ku soo baxay hoggaamiyaha mucaaradka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo helay 63% codadkii la dhiibtay.

Aqoonsiga Somaliland ayaa ah mid weli muran ka taagan yahay, waxaana tallaabadan ay saameyn weyn ku yeelan kartaa siyaasadda gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Leave a Reply