|

Denmark oo Soomaaliya ka cafisay Deyntii ay ku laheyd

Muqdisho November 18, 2024 (QJ) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa maanta si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu saxiixday heshiis si rasmi ah looga cafiyay deymihii ay Denmark horay ugu lahayd Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa daba socda wada xaajood ballaaran oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la qaatay xubno ka socday Naadiga Paris, kaasoo horay bishii March 2024 go’aamiyay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Go’aankan ayaa u baahnaa in Soomaaliya ay si gaar ah ula xaajooto dalalka deymaha ku leh.

Wasiir Biixi Iimaan Cige oo war-murtiyeed kooban ka soo saaray heshiiskaas, waxa uu yidhi, “Midhihii barnaamijka dib-u-habaynta maaliyadda iyo guulihii laga gaadhay hab-raacii daymaha. Waxaan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark, oo ah saaxiibka qaaliga ah ee horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Comments are closed