Xildhibaano ka soo jeeda Jubaland oo wadatashi ugu tegay Axmed Madoobe
Kismaayo November 07, 2024(QJ) -Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u matalaya Jubbaland ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay ka jawaabeen baaqii ka soo yeeray Madaxweyne Axmed Madoobe ee ahaa in shir wadatashi ah oo looga hadlayo xaalada siyaasadeed.
Madaxweyne Madoobe oo ka soo laabtay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa qorsheynaya in la qabto doorasho ay Dowladda Federalka Somaliya diidan tahay.