Somaliland ayaa shaacisay inay dishay Taliye ka tirsan ciidamada SSC-Khaatumo oo ku sugnaa magaalada Buuhoodle
Hargeysa November 03, 2024(QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay dishay Taliye ka tirsan ciidamada SSC-Khaatumo oo ku sugnaa magaalada Buuhoodle.
Ninkan oo ay Somaliland ku sheegtay Cabdiqani Sulub ayaa ay sheegtay inuu ahaa horjoogaha labaad ee kaamamAl-Shabaab ku leedahay Buuhoodle.
Sida ay sheegtay Somaliland, waxaa lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee toddobaadkan ka dhacay Gobolaka Togdheer.
Somaliland ayaa warkan ku shaacisay war ay ka soo saartay colaada ka soo cusboonaatay gobolka.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lagu doonayay in lagu carqaladeeyo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 13-ka November 2024-ka.
Horay ayaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ugu eedeeyay ciidamada Somaliland inay soo weerareen fariisimo ay ku lahaayeen aaga magaalada Buuhoodle.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay baaq nabadeed, iyadoo ugu baaqday dhinacyada iska soo horjeeda inay dagaalka joojiyaan.