|

RW Xamse oo qaabilay wefdi ka socda WHO

Muqdisho November 03, 2024(QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Bariga Gobolka Bari ee Mediterranean-ka, Dr. Hanan Balkhy.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Agaasimaha ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada lagu tayeynayo daryeelka caafimaadka dalka iyo shaqaalaha caafimaadka, taakuleynta isbitaallada hooyada iyo dhallaanka, iyo sidii looga hortagi lahaa arrimaha caafimaadka ee ka dhasha isbeddelka cimilada, sida abaaraha iyo fatahaadaha oo sababa xaalado caafimaad oo degdeg ah oo ay ku jiraan cudurrada faafa.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay siiso Soomaaliya, isagoo ku bogaadiyay dadaallada wada shaqeyneed ee ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka ee looga hortagayo cudurrada faafa iyo horumarinta adeegyada kala duwan ee caafimaadka.
Dr. Hanan Balkhy ayaa dhankeeda ballan qaaday in hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.

Comments are closed