|

Ciidamada dawlada oo Shabaab badan ku laayay Gobolka Mudug

Muqdisho October 31, 2024(QJ)-Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa deegaanka ayaa saakay bilaabay howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab. Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug iyo deegaanada ku dhow dhow.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada wadajirka ah ayaa dhowr jiho ka weeraray fariisimo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, iyagoo baacsaday dagaalyahannada ku sugan Qeycad iyo goobo kale oo ay saaka weerarro kedis ah ku qaadeen.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee howlgalkan hogaaminayay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u geysteen duruus lama ilaawaan ah, islamarkaana ay gaarsiiyeen khasaarooyin badan, maadaama howlgalka uu socdo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, C/raxmaan Al Cadaala, ayaa sheegay in saaka aroortii ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay hawlgalo ka bilaabeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Koonfurta Mudug.

Howlgalkan saakay ka socda gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli uu socdo abaabulka howlgallo mar kale la doonayo in Al Shabaab looga xureeyo deegaanno dhaca maamulada Galmudug iyo Hirshabelkle, iyadoona howlgalladii hore ciidamada dib uga baxeen deegaanno badan oo Al Shabaab laga saaray.

Leave a Reply