|

Gollaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo ay la galeen Shiinaha iyo Qadar

Muqdisho October 31, 2024(QJ)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa ee maanta waxa ay ku ansixiyeen heshiis is afgarad ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Shiinaha kaas oo ku saabsanaa hirgelinta hindise-sharciyeedka horumarinta adduunka, iyo is-afgarad ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare H.E. Xamza Cabdi Barre, ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbadalka Qaran (NTP 2025 – 2029) iyo Jaaliyadda Bariga Afrika.
Sidoo kale, Wasaaradda Beeraha ayaa warbixin ka jeedisay wax soo saarka beeraha dalka iyo xaaladda beeralayda Soomaaliyeed ee xilligan.

Comments are closed