Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wadahadlay xaaldaha Geeska
Muqdisho October 29, 2024(QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Heiko Nitzschke.
Wasiirka iyo Ergeyga ayaa intii uu kulankooda socday diiradda ku saaray howlgallada lagu cirib tirayo kooxaha xagjirka ah, ka gudbidda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo u gudbida howlgalka cusub ee AUSSOM, iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira xadgudubyada ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo xoojinta mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.
Dowladda Jarmalka ayaa muujisay taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya, waxaana danjire Heiko Nitzschke uu ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.