Dani oo dawlada dhexe ku dhaliilay colaad hurin
Garoowe October 28, 2024(QJ)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta madaxtooyada Garoowe kulan xasaasi ah kula qaatay wakiillada Puntland u metelaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, C/Risaaq Axmed Siciid. Waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray khilaafyada Puntland kala dhaxeeya dowladda federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu si gaar ah uga hadlay arrimo ku saabsan khilaafka u dhaxeeya maamulkiisa iyo dowladda Federaalka, kaasoo gaaray heerkii ugu xumaa, kaasoo xiriirka u jaray. Waxa kale oo uu ka hadlay mawqifkiisa ku aaddan arrimaha qaranka, gaar ahaan qorshayaasha dawladda ee ku wajahan nidaamka doorasho ee hal qof iyo cod ah.
Wadahadalladan ayaa la filayaa inay sii socdaan, iyadoo la filayo in xildhibaanno dheeraad ah oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ay ku biiraan fadhiyada dambe ee Garoowe.