|

Puntland oo ka cabatay qariirad ay dawlada dhexe soo saartay

Garoowe October 27, 2024(QJ) -Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhaliilay Khariidaddii dhawaan ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu huriyo colaado hor leh, gaar ahaan gobolka Mudug.

Waxa uu ka digay in falkaasi uu kicin karo xiisad, inkastoo Puntland iyo Galmudug ay yihiin maamulo deris ah oo wada shaqeyn ka dhaxeysa, isla markaana aysan jirin wax khilaaf ah oo dhanka xuduudaha ah.

Khariidadda dawladda Faderaalka waxay ku calaamadisay deegaano ka tirsan waqooyiga Mudug iyo sidoo kale gobollada Sool iyo Sanaag inay yihiin “dhul la isku haysto.” Khariiraddan oo la sheegay in uu isticmaalay Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo Somalia ka baaraya shidaal, ayaa ka tarjumaysa aragtida DFS ee ku wajahan deegaanadaas. qariirda ayaa muujinaysaa in Sool iyo Sanaag ay isku haystaan ​​Puntland iyo Somaliland, halka Waqooyiga Mudugna la tusay inay ku muransan yihiin Puntland iyo Galmudug.

Qariida ayaa laga muujiyay walaac dhanka xasiloonida gobolka iyo fasiraadda iyo kala sheegashada dhulalka Soomaaliya.

Leave a Reply