Wasiir Fataag oo ka qeybqaatay hawlgal amni
Muqdisho October 27, 2024(QJ) -Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa xalay Ciidamada Xasilinta Caasimadda kala qeyb galay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ahaan magaalada Muqdisho.
Kormeerka Wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaayay Saraakiil sar sare oo ay ka mid yihiin Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Qaranka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Nabad Sugida, waxaana ay kormeero balaaran ku sameeyeen dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir. Saraakiishan ayaa waxa ay socod lug ah ku soo mareen degmooyinka iyo deegaanada ku dhow dhow, iyagoo qiimeyn ku sameynayay caqabadaha soo wajaha dadka deegaanka, waxaana ay u kuur galayeen howlgallada ay ciidamadu ka sameynayaan dhulka.
Wasaaradda Amniga ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegtayy in mas’uuliyiinta ay kala hadleen dadka deegaanka si ay u fahmaan arrimaha amniga ee ay la kulmaan. Wasiirka iyo kooxdiisa ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho. Waxa ay sidoo kale ballan qaadeen in ay joogteeyaan kormeerka joogtada ah ee lagu kormeerayo shaqada ay hayaan ciidamada si looga hortago falalka amni darro ee ka dhaca degmooyinka magaalada.