|

Ciidamada amniga oo ku dagaalamay Bossaaso

Bosaaso October 21, 2024(QJ) -Xalay fiidkii ayay ahayd markii iska hor imaad uu mar kale ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu u dhaxeeyay ciidamo ka kala tirsan kuwa PSF-ta iyo kuwa badda Puntland ee PMPF, waxaana dagaalka uu ka dhacay agagaarka Hotel Huruuse oo ku dhow goobo caan ku ah iibinta sharaabka, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada PSF ayaa ku dhintay israsaasayn maanta oo Axad ah ku dhexmartay magaalada Boosaaso ciidamada PSF iyo kuwa PMPF.

Lama oga sababta ka dambeysay dhacdadan, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska labada ciidan.

Ciidamada PSF iyo PMPF ayaa labaduba ah cutubyo ka tirsan Puntland, hase yeeshee waxaa muuqata in xiisadda u dhaxeysa ay cirka isku sii shareereyso, iyadoo dagaalkan uu noqonayo kii labaad oo 24-kii saac ee la soo dhaafay uu ka dhaco, kaasoo sababay dhimashada askari ka tirsan ciidamada PSF.

Comments are closed