|

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kawada hadlay awood wareejinta ATMIS

Jabuuti October 21, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti Cabduqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha ayaa maanta la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee labada dal, iyadoo diiradda lagu saari doono iskaashiga iyo arrimaha muhiimka ah.

Madaxweyne Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka ay Soomaaliya saaxiibka yihiin ee gobolka. Intii uu socdaalkan ku guda jiray, wuxuu horay u booqday dalalka Uganda iyo Burundi oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya. Heshiisyo dhowr ah ayuu dalalkan ku kala saxiixday, kuwaasoo qaarkood saxaafadda lala wadaagay.

Magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura, ayaa Madaxweyne Maxamuud waxa uu booqashooyinkisa uu ahaa mid jawaab u ahaa casuumaad uu ka helay madaxweynayaasha labada dal. Wada-hadalladan ayaa ahaa kuwo looga hadlay howlgallada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan sidii xilalka loogu wareejin lahaa ciidamada bedelaya kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Leave a Reply