|

Madaxweyne Xasan oo xaqiijiyay in Itoobiya qabsatay Gedo

Mogadishu September 29, 2024(QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay la wareegtay qeybo ka mid ah Soomaaliya, sida uu ku sheegayay wareysi uu siiyay Aljazeera.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Itoobiya ay gebi ahaanba la wareegtay Garoomada Diyaaradaha iyo Wadooyinka Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in tan iyo markii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiiska ay Itoobiya qoratay, isla markaana ay hubeysay in ka badan 1000 maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda beelaha dega Koonfurta Soomaaliya. Maleeshiyadan ayaa waxaa la siiyay hub ay siisay dowladda Itoobiya.

“Itoobiya kaliya ma sheeganayso waxa ku qoran MOU, waxay faraha kula jirtay arrimaha gudaha ee Soomaaliya sanado badan, tan iyo markii ay saxiixday heshiiska MOU, Itoobiya waxay hubaysay in ka badan 1,000 maleeshiyo ah oo ka soo kala jeeda qabaa’il iyo kooxo kala duwan, maantana meel kasta oo ka mid ah Koonfurta, waxaad ka heli kartaan hub ay siisay Itoobiya, gaar ahaan gobolka Gedo, waxay la wareegeen garoomo diyaaradeed, waxayna ku andacoonayaan inay ilaalinayaan ammaanka Soomaaliya, ma fahmin shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee ay Itoobiya ku tiirsan tahay.

Leave a Reply