|

RW Xamsa oo QM ka Khudbadeeyay

NY September 28, 2024(QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo dadaallada ay dowladdu ugu jirto xasilinta iyo horumarka dalka.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xiisada ka taagan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan arrimaha muranka badda iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka iyadoo loo marayo wada-hadal iyo wada-shaqeyn waxtar leh.

Sidoo kale, Xamza Cabdi Barre ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda cakiran ee Marinka Gaza, isagoo si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee halkaasi ka jira, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah wax uga qabtaan xaaladdan. Wuxuu ku celceliyay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro colaada ka aloosan gobolka iyo ilaalinta xuquuqda dadka reer Falastiin.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray isku xirka Soomaaliya iyo ajandayaasha caalamiga ah, sida la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo ka qeyb qaadashada horumarinta dhaqaalaha adduunka.

Leave a Reply