|

Wakiilka Xoghayaha QM oo Hargeysa u tegey arrimaha Doorashooyinka

Hargeysa September 21, 2024(QJ)-Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada Hargeysa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee gobolka, doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Somaliland iyo wadashaqeynta maamulka Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Ambassador James Swan waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku bogaadiyey qorshaha isku-dhafka ah ee doorashooyinka soo socda, waxaanu xusay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula socon doonto doorashada madaxtooyada ee loo qoondeeyey inay Somaliland ka qabsoonto bisha November.

Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi. Dhinaca Ambassador Swan waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiskiisa oo ay ka mid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, iyo Mustafa Khayre.

Leave a Reply