|

Soomaaliya oo dhaleeceysay Hub Itoobiya geysay Garoowe

Muqdisho September 21, 2024(QJ)-War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa looga hadlay shixnad hub ah oo laga keenay dalka Itoobiya, kaasi oo soo galay Soomaaliya, gaarayna maamul goboleedka Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay shixnado hub iyo rasaas ah oo laga soo daabulay dhinaca dalka Itoobiya, lana gaarsiiyay maamulka Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Itoobiya inay si deg deg ah u joojiso falalkan sharci darrada ah, ee khatarta weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan u aragta mid xad-gudub weyn ku ah qaranimada Soomaaliya, isla markaana khatar weyn ku ah amniga dalka.

Warar la xaqiijiyey ayaa sheegaya in labo baabuur oo hub siday ay ka soo gudbeen xuduudka Puntland, iyadoo aan lagala hadlin, taasoo si toos ah ugu xad-gudban madax-bannaanida Soomaaliya.

Leave a Reply